Wednesday, January 22, 2025
HomeWararWasiirka Cusub Ee wasaaradda War-faafinta Oo Muqdisho Lagu Soo dhaweeyey

Wasiirka Cusub Ee wasaaradda War-faafinta Oo Muqdisho Lagu Soo dhaweeyey

Waxaa maanta oo Khamiis ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Danjire Sheekh Daahir Maxamuud Geelle.

Soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Intaasi kadib Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka uu dib ugu soo laabto, soona dhaweynayo xilka cusub ee uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sheekh Daahir Maxamuud ayaa dowladdii Shariif Sheekh Axmed sidan oo kale soo noqday Wasiirka Warfaafinta, xiligaasi oo uu wax badan ka soo qabtay Wasaaradda, markan inta aan loo magacaabin xilkan wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Maamlmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta inuu si toos ah ula wareego xilkiisa, maadaama ay socoto qaban qaabada Munaasabadda uu xilka kula wareegi lahaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe