Sunday, April 20, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Gaas Oo Maanta Ka Dhoofay Garoowe

Dhageyso:- Gaas Oo Maanta Ka Dhoofay Garoowe

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliso marwadiisa Drs Hodan Siciid Ciise ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Mudane Gaas iyo marwadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah wasiiradii ay soo wada-shaqeeyeen, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe.

Dr Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ka hor inta uusan dhoofin ayaa shacab weynaha reer Puntland ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni islamarkaana ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda.

Waa safarkii ugu horreeyay ee mudane Gaas uu dalka uga baxo tan iyo markii uu xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii hore ee sannadkan

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Gaas:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe