Friday, September 20, 2024
HomeWararDawladda Talyaaniga Oo Lacag dhan $1.2 Million Ugu Deeqay Soomaaliya.

Dawladda Talyaaniga Oo Lacag dhan $1.2 Million Ugu Deeqay Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqday Lacag gaareysa $1.2 Million, taas oo loogu talagay in wax looga qabto arrimaha dib u dhiska dalka.

Talyaaniga ayaa Lacagtani ku wareejiyay hay’adda dib u dhiska Soomaaliya ee SIF , waxana munaasabadda lagula wareegayay deeqdaasi Lacageed goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka kala socotay Bankiga Horumarinta Africa, DFS iyo Talyaaniga.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska XFS Mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka hadlay Munaasabaddaasi ayaa ballan qaaday in ay dardar galin doonaan dadaallada dib u dhiska ah ee ka socda Soomaaliya.

Dhankiisa safiirka dalka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo Campanile ayaa ku amaanay Bankiga Africa dadaallada uu ugu jiro sidii dib u dhis loogu sameyn lahAa kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Hay’adda SIF oo hoos tagta Bankiga Midowga Africa ayaa qaabilsan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, iyadoona tan iyo markii la ansiyay 2016 -kii aruurisay Lacag gaareysa $29 Million oo wax looga qabanaya dib u dhiska Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe