Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deeegaano iyo dagmooyin ka tirsan gobolka sh/hoose
dilka koobaad ayaa waxaa ka dhacay xaafada baarismaaciil oo ka tirsan dagmada afgooye waxaana loo geystay qof shacab ah dableydii dilka ka dambeysay ayaa goobta iskaga baxsatay iyadoona dilka ka dib goobta ay tageen ciidanka amniga dawlada soomaaliya
dhinaca kale faah-faahino dheeraad ah ayaa laga heleyaa dil wadareed xalay ka dhacay deegaanka ceelasha biayaha dilkan ayaa waxaa loo geystay labo ruuux oo wexy ahaayeen aan la xaqiijin
dilkan ayaa waxa uu ka dhacay gudaha masaajidka dabaqynka oo ku yaala isgoyska ceelasha biyaha
warar an la xaqiijinkarin ayaa waxay sheegayaan in labada ruux ee ladilay ay ahaayeen daacish isla markaana ay dileen al shabaab
deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka shabeelada hoose ayaa todobaadkan gudihiisa waxaa lagu dilay ku dhawaad lex ruux ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka ceelasha biyaha ee ku aadan dilalka ka dhaca deegaankaas
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Af-Goye Ibrahim Mohmed Mayow (Bashka):-

