Saturday, April 19, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Dhaq-Dhaqaaq Ciidan Oo Maanta Ka Socda Shabeellada Dhexe

Dhageyso:- Dhaq-Dhaqaaq Ciidan Oo Maanta Ka Socda Shabeellada Dhexe

Waxaa Maanta Dhaq-Dhaqaaqyo Ciidan Laga Dareemayaa Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Deegaanada Dhaq-dhaqaaqyada Ciidanka Laga Dareemayo Waxaa Ka Mid Ah Deegaano Dhawr Ah Oo Hoos Taga Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka Dawladda Oo Garab Ka Helaya Kuwa Nabad Ilaalinta Midawga Africa Ee Amisom Ayaa Lagu Soo Warramayaa In Ay Wadaan Dhaq-Djhaqaaqyada Ciidan.

Ciidamadan Ayaa Sida La Sheegayo Waxa Ay Kusii Jeedaan Deeganka Cali Fool-Dheere Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Halkaas Oo Ay Al-shabaab Ku Sugan Yihiin.

Dhinaca Kale Dagaallamayasha Al-shabaab Ayaa Iyaguna Waxa Ay Dhaq-Dhaqaaq Ciidan Ka Wadaan Deegaanka Cali Fool-Dheere Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Iyo Deegaano Dhawr Ah Oo Hoos Taga Deegaankaasi.

Al-shabaab ayaa Dadka deegaanka Saaka Ku Amray In Aysan Ka Bixin Deegaanka Waxa Ayna Ku War-Geliyeen In Aysan Jirin Wax Dhibaato Ah Oo Dhacaya Deegaankana Ay Iyagu Ka Taliyaan.

Balse dadka Qaar Ayaa Shalay illaa Iyo Xalay Isaga Baxay Gudaha Deegaanka Cali-Fooldheere Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Kuwaas Oo Ka CASBI Qaba In Dagaal Uu Ka Qarxo Deegaanka Kaas Oo U Dhaxeeya Ciidanka Dawladda Iyo Kuwa Amisom Oo Dhinaca Ah Iyo Dagaallamayaasha Al-shabaab.

Deegaanka Cali Fooldheere Ayaa Qiyaastii 15Km Dhinaca Bari Kaga Beeganada Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Waxaana Hadda Deegaanka Ka Taagan Cabsi Laga Qabo In dagaal Uu Ku Dhex-Maro Ciidanka Dawladda Iyo Kuwa Xarakada Al-shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goob-Joogaha Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe