Saturday, December 6, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Aadan Siraad" Sharci Darro ayuu Axmed Mdoobe Ku Yimid Kursiga Uu...

Dhageyso:- Aadan Siraad” Sharci Darro ayuu Axmed Mdoobe Ku Yimid Kursiga Uu Fadhiyo

Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Iyo Siyaasadda Degmada Garba-Haarey Ee Gobolka Gedo Aadan Siraad Max’ud Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Uu Eedeyn Kulul Kala Dul-Dhacay Hoggaanka Sare Ee Jubbaland.

Ugu Horreyn Guddoomiye Ku Xigeenka Waxa Uu Ka Warbixiyey Banaanbax Dhawaan Ka Dhacay Degmada Garbahaarey Iyo Ujeedooyinka Ka Dambeeyey Dibad-Baxaasi.

Waxa Uu Xusay In Maaamulka Axmed Madoobe Uusan Waxba U Qaban Shacabka Ku Dhaqan Guud Ahaanba Gobolka Gedo Ee Koonfurta Dalka.

Tusaale Waxa Uu Usoo Qaatay Dhinacyada Amniga Iyo Arrimaha Bulshada Oo Uu Sheegay In Haba-yaraatee Uusan Waxba Ka Maqan Maamulka Jubbaland Muddadii Uu Xilka Hayey Axmed Madoobe.

Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Iyo Siyaasadda Degmada Garbahaarey Aadan Siraad Max’ud Waxa Uu Sharci Darro Ku Tilmaamay Qaabkii Uu Axmed Madoobe Ku Yimid Kursi Uu Haatan Fadhiyo.

Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Uu Awood Ku Qabsaday Isla-markaana Aanay Jirin Cid Dooratay Shacabka ReerJubbalana Aysan Raali Ka Aheyn Hoggaanka Axmed Madoobe Waa Sida Uu Hadalka U Dhigaye.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye Xigeenka Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe