Mudo Saddex Bilood ah Waxaa Magaalada Tripoli Ee Caasimada Dalka Liibiya Kuxayiran Dhalinyaro Soomaaliyeed Kuwaaso oo Dhibaatooyin Badan kula Kulmay Gudaha Dalkaasi.
Qaar Kamida Dhalinyaradaan Oo Lahadlay Laanta Afka Soomaaliga Ee VOA ayaa sheegay in ay Doonayaan in ay Dib ugu Soolaabtaan Soomaaliya Maadaama Dibaatooyin ay Kula Kulmeen Gudaha Liibya Xaalado Adagna ay Kuhaystaan.
Dhinaca Kale Dhalinyarada ayaa Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Liibiya Waxa ay Ku Eedeeyeen in aysan qaban Shaqadii loo igmaday aysana Masuuliyad iska Saarin sidii Dib loogu Cilin lahaa Dalkooda.
Dhanka Kale Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Liibiya Amb.Muxiyidiin Maxamed Kaalmoy ayaa Waxa uu Kajawaabay Eedaymahaan Loosoojeediyay Waxa uuna Sheegay in aysan Waxaba u Qaban karin Dhalinyarda Kuxayiran Liibiya Xiligaan Sabaabo Laxariira Xayiraadaha Dalalka Kajira Ee Kadhashay Halista Coronavirus iyo in aysan Haynin Qarashaad ay Kubixiyaan Sidii Dhalinyaradaasi Dib Loogi Soocilin lahaa Dalkooda Hooyo Ee Soomaaliya.