Muqdisho:-DFS ayaa Shalay Kudhawaaqay in Laga Bilaabo Maanta Lajoojinayo Duulimaadyada Gudaha Soomaaliya si looga hortago in dalka uu kufaafo Cudurka Khatarta badan Ee COVID-19.
Amarka Dawlada ayaa Maanta Dhaqan galaya Waxaana Mudo joogsan doona Duulimaad yadii Loogu Kala Safri jiray Caasimada Dalka iyo Gobolada.
Arintaan ayaa Waxaa Cabasho Kamuujiyay qaar kamida shacabka oo sheegay in aan Xiligaan Loojoogin Xayiraado Lasaaro Duulimaadyada Gudaha Soomaaliya iyada oo Xaalado Kaladuwan ay Dalka Kajiraa.
Dhanka kale waxaa Cabasho Muujinayay Shacab Badan oo ay Kabuuxsameen Duulimaadyada Maanta Kana Cabsi qaba in ay Kuxayirmaan Magaalada Muqdisho iyo Kuwo Kale oo Gobolada Dalka Xariyaadahaani ay Kuhaystaan.
Sikastaba Lama Oga Xili ay dib u bilaaban doonaan duulimaadyada gudaha Soomaaliya Maadaama aysan Dawlada Waqti shaacin sheegtayna in ay yihiin Kumeel Gaar.