Home Dhageysi SAWIRO:-DFS Oo Bilawday Qaybinta Qlabka Kahortaga COVID-19.

SAWIRO:-DFS Oo Bilawday Qaybinta Qlabka Kahortaga COVID-19.

366

Iyada Oo Dhawaan Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Lasoogaarsiiyay Qalabka hakortaga Cudurka COVID-19 oo Qayb ka ahaa Qalab gaaraya 6-Milyan oo Qaarada Afrika uu ugu Deeqay Aasaasaha Shirkada Alababa ayaa Waxaa Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ay Bilawday in Qalabka ay u kala Qaybiso Maamul goboleedyada Dalka.

Sida ay Shaacisay Wasaarada Caafimaadka Waxaa Qayb kamid ah Qalabkaan Lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamul goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidookale Wasaarada Waxa sheegtay in Qalabkaan Bari Lasoogaarsiindoono Hir-shabeele iyo Galmudug.

Qoraal Kooban Oo Lagu Daabacay Barta Facebooga Ee Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu yiri:-

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma Foundation.

Waxaa berito qalabkan sido kale la gaarsiin doonaa Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle”.