Waxaa Bilhii Lasoodhaafay Kataagnaa Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud Colaad u dhaxaysay Beelo Walo ah oo Halkaasi wada Waxaan Socday Dadaalo La iskusoodhawaynayay oo ay Wadeen Odayaay Wax-garad iyo Culumaa udiinka Deegaanka waxaana ugu Dambayn Lagu guulaystay in Colaadahaasi Laxaliyo.
Gudoomiyaha Deegaanka Xeraale Ee Gobolkani Galgaduud Bashiir Daahir yuusuf Dhagabadan ayaa sheegay in hada Laguguulaystay Xalinta Colaadahaasi asagoona Soohadal Qaaday in 15-bari Kadib Loobalansanyahay Shir-wayne La,iskugu Keenayo Labadii dhinac Ee dhibaatadu Kalagaartay.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Xeraale Bashiid Daahir yuusuf Dhagabadan ayaa Waxa uu dusha Katuuray Masuuliyadii Colaadihii Kadhacay Xeraale iyo Deegaanada Hoostaga Maamulkii Ahli-suna Ee Kubiiray Galmudug Ee uu Hogaamiyaha u ahaa Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xassan.