Home Dhageysi Dhageyso:-Ciidamo Kasoo Baxay Jiida Tukaraq Oo Lagu Soo Dhaweyey Qaybo kamid ah...

Dhageyso:-Ciidamo Kasoo Baxay Jiida Tukaraq Oo Lagu Soo Dhaweyey Qaybo kamid ah Mudug.

169

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa xalay qayb kamid ah ciidamadaasi ay soo baneeyeyen saldhigyadii ay kulahaayeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamo Gaashaman oo ilaa 150 Askari ah ayaa xalay isaga soo baxay deegaanka Tukaraq kadib markii ay sheegeen inaysan meeshaas ku haysan Daryeel Caafimaad iyo sidoo kale Dagaalka oo horay uga bilaaban waayey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay shegeen ciidamadan Gadooday.

Ciidamadaas qaybo kamid ah ayaa gaaray magaalo Xeebeeda gobolka Mudug ee Deegaanka Garacad iyadoo inta badan ciidamadaasi lagu xanibay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ciidamadan ka baxay Jiida Tukaraq ayaa la sheegay inay u badnaayeen Ciidamo laga kala  keenay gobolka Mudug iyo Xarunta Madaxtooyada ee Puntland.

 

Hoos ka Dhageyso Warbixinta Abdi Kheyr Mohamed Jamac Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Jarriiban:-