Home Dhageysi Dhageyso:- Cabud-waaq Oo Lagu Soo Xiray Shir Ka Socday Muddo 4-Bilood Ah.

Dhageyso:- Cabud-waaq Oo Lagu Soo Xiray Shir Ka Socday Muddo 4-Bilood Ah.

332

Dagmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobalka Gal-gaduud Ayaa lugu soo Gabagabeeyey shir in ka Badan 4 Bilood uga Socday odaayasha Golaha Gurtiga ee ka Kooban 25 Xubnood oo ah kuwa ay ka GO,odo Talada waqooyiga Gobalka Galgaduud Waxaana magacaabay Xubanahan Guurtiga Caabbudwaaq madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka ah markuuu socdaaalka ku maraayay Goballada Dalka Qaar.

Waxaana odayaasha Golaha Guurtiga mudadaasi kulamada ay yeesheen ay kaga Hadlaayeen amaanka iyo dhamayta Khilaafaadkii u dhaxeeyey Beelaha walaalaha ah ee Wada Dega Dagmada munaasabada soo Xiritaanka shirarkasi ayaana Waxaa soo Qaban qaabiyay Wasaarada arimaha Gudaha maamulka Galmudug oo kaa shanayso Odayaasha Golaha Guurtiga.

waxaa sidoo kale Goob joog ka ahaa munaasabada xiritaanka  Maamulka Dagmada Caabudwaaq, odayaasha Golaha Guurtiga.ururada Bulshada rayid ah iyo Xubno ka socday Wasaarada arimaha Gudaha iyo dowlaha Hoose ee Galmudug.

Gudooomiyaha Dagmada Cabudwaaq mahad cumar cilmi oo ugu Horayn Goobta ka Hadlay ayaa sheegey in amaanka Caabudwaaq uu yahhay mid la isku halayn karo Qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka Hadlay ayaa ku dheeraaday marxaladihii ay Caabudwaaq soo martay iyo Go,aanadii ay Gaareen.

Ugu Danbayntii ugaas axmed Bare Cali ayaa soo Xiray munaasabadaasi waxaa uuna bulshada ka dalbaday in la Taageero xubnaha Golaha Guurtiga

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Cabud-waaq Saciid Cabdi Maxamed:-