Iyadoo Weli Xiisado Colaadeed Ay Ka Taagan Yihiin Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sool Gaar Ahaanna Deegaanka Tukaraq Iyo Sidoo Kale Deegaanka Ceel-afweyn Ayaa Waxa isi Soo Taraya Baaqyada Nabadeed Oo Loo Jeedinayo Dhinacyada Isku Haya Deegaanadaasi.
Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Soomaaliland Daahir riyaale Kaahin Ayaa waxa Uu Baaq Nabadeed u Diray Dhinacyada Isku Haya Ceel-afweyn Iyo Deegaanka Tukaraq Oo Ka Tirsan Gobolka Sool.
Shacabka Ku Dhaqan Deeganadas Ayuu Ugu Baaqay In Ka Waantoobaan Colaadda Ka Dhex-Aloosan IOsaga Oo Shegay In Aysan Wax Faa’ido Ah Oo Ugu Jira Haba-yaraatee Balse Taa Badalkeed Loo Baahan Yahay I Nabad Lagu Wada-noolaado.
Sidoo Kale Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Soomaaliland Ayaa Madaxda Haatan Heysa Talada Maamulka Soomaaliland Waxa Uu Ka Dalbadey in Ka Dhabeeyaan Waan-waanta Nabadeed Oo Ay Ka Dhex Wadaan Bulshada Ku Dhaqan Ceel-afweyn Oo Aysan Marnaba ka Caajisin.
Baaqa Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliland Daahir riyaale Kaahin Ayaa Waxa Uu Imaanaya Xilli Xiisad Colaadeed Weli Ka Taagan tahay Deeganada Ceel-afweyn Iyo Tukaraq Oo Ka tirsan Gobolka Sool Iyadoona Haatan Maamullada Puntland Iyo Soomaaliland Midba Midka Kale Ku Eedeynayo Dagaalka Tukaraq.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliland Daahir Rayaale Kaahin:-