Sunday, March 23, 2025
HomeWararDFS oo ku dhawaaqday arin ka farxisay Shacabka soomaaliyeed.

DFS oo ku dhawaaqday arin ka farxisay Shacabka soomaaliyeed.

DFS ayaa maanta ku dhawaaqday bari oo taariikhdu ku beegantahay 12-july in la bilaabi doono bixinta Baasaboorka Soomaaliya.

War ka soo baxay hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya oo loogu sheegayay shacabka soomaaliyees arintaan ayaa u qornaa sidaan:-

”Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:
-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)
-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

Saacaddaha qabashada araajida waa: 8:00am – 12:00 pm”

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe