Home Barnaamijyo SAWIRO:-Taliska Booliiska Cadaado Oo Bilaabay Olole Nadaafadeed.

SAWIRO:-Taliska Booliiska Cadaado Oo Bilaabay Olole Nadaafadeed.

672

Taliska Booliska Degmada Cadaado Ee Maamulka Galmudug ayaa Gudaha Magaalada Cadaado Ka Bilaabay Olole Nadaafadeed Xili Deegaanada Galmudug ay ka Bilawdeen di,ida Roobabka Guga.

Taliska ayaa Waxa ay Ololahooda Kabilaabeen Bartamaha Magaalada iyada oo ay Dhankooda Soodhaweeyeen Kana garabsiinayeen Shacabka Kunool Magaalada Cadaado.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Cadaado 2-xidigle Cali Maxamed (Cali dheere) ayaa Amar kubixiyay in aysan jirin Cid qashin soodhigi karta goobaha Nadaafada Laga Sameeyeeyay Waxa uuna Sidookale Taliyaha Xusay in Maalmaha Soosocda uu Socon doono Ololahaan Nadaafada si looga Taxadaro Bad qabka Bulshada iyo Bilicda Magaalada Maadaama Lagalay Xili Roobaadka Guga.