Tuesday, November 28, 2023
HomeWararDegDeg:- Saldhiga Militariga Turkiga ee Muqdisho oo la duqeeyay.

DegDeg:- Saldhiga Militariga Turkiga ee Muqdisho oo la duqeeyay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay Aroortii ay duqeyn la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Shabaab  waxaa ay sheegteen in ku dhawaad 13 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga xilli  heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka degan meel u dhow Saldhigga ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta madaafiic xoogan, oo la garaneyn waayay halka ay ku dhacayaan iyo meesha laga soo tuuray.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee madaafiicdaan ka dhashay, inkastoo ay adag tahay helida xogta rasmiga ah ee ku saabsan madaafiicda lagu weeraray xeradan ciidan.

Saldhigga ayaa ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu tababaraa ciidamo Soomaali ah,Sidoo kale waxaa ku sugan ku dhawaad 1000 Askari oo ka socda dalkaTurkiga.

Wixii kusoo kordha Halkaan kala soco:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe