Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa war kasoo saaray Weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaasi ayaa waxaa fuliyay ciidamo Mareykan iyo Soomaali isugu jira.
Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in ay si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayeyweerar uu Maraykanku taageerayey oo ka dhacay Soomaaliya kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.
“Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.
Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan xog kasta oo la xiriirta dhacdadaan, oo ay kujiraan dhinacyada ay arrintani khusayso.
“Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga Soomaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska.
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beeraleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada.