Saturday, March 15, 2025
HomeWararDegDeg:- Maamulka Jubbaland Oo Diiday ka qeyb galka Shirka Arrimaha Dastuurka.

DegDeg:- Maamulka Jubbaland Oo Diiday ka qeyb galka Shirka Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin Shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo Todobaadka Soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Ma sheegin Sababaha rasmi ah ee uu kaga hor yimid ka qeyb galka Shirkaan, waxa uuna kaliya sheegay in ay Qaadaceen.

Warar Hoose ayaa sheegaya in uu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka iyo tan Maamulka Jubbaland.

Sidaa awgeedna muddooyinkii lasoo dhaafay uu socday waan-waan Wasaaradda Dastuurka lagu doonayo in lagu qanciyo ka qeyb galka Shirkaan.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kama aanan hadlin go’aanka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in aanan ka qeyb galeen shirkaas Dastuurka ku saabsan.

Bartamaha Todobaadka Soo socda ayuu qorshuhu yahay in Wasiirka Cabdiraxmaan Xoosh in uu Magaalada Muqdisho ku qabto shir weyne looga hadlayo Dastuurka, iyadoona lagu casuumay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Qubaro iyo marti sharaf kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe