Ciidamada Danab Ee Kumaandoosta Soomaaliya iyo Kuwa Jubaland ayaa Gobolka Jubbada Hoose Kasameeyay Hawl-galo Ka dhan ah Al-shabaab.
Saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay shegeen in uu howlgalka ahaa mid Al-Shabaab looga saarayay deegaano dhowr ah, islamarkanaa laga sameeyey deegaannada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhamaan tuulooyinkii ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Jubbaland.