Home Barnaamijyo AKHRISO:-Xiisadaha Kataagan Boosaaso Oo Khilaaf Kadhax Abuuray Madaxda Puntland

AKHRISO:-Xiisadaha Kataagan Boosaaso Oo Khilaaf Kadhax Abuuray Madaxda Puntland

154

Xiisada Siyaasadeed Ee Kataagan Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari ayaa Waji Cusub yeelatay Sida aan Xogta Kuhelayno ayna Xaqiijiyeen Xubno Ka ag dhaw Masuuliyiinta Maamulka Putland.

Wararka Waxa ay sheegayaan in Khilaaf Xoogan uu Soo dhaxgaley Wasiirka Amniga Maamulka Putland Cabdisamad Maxamed Gaalan iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).

Masuuliyiintaan ayaa Isku Maandhaafsan Habka Loowajahayo Xiisada Kataagan Boosaaso Ee u Dhaxeysa Wax-garadka Magaaladiisi iyo Xukuumada Madaxweyne Dani.

Gudoomiyaha ayaa Si cad ugu Sheegay Wasiirka Amniga Puntland in Marna uusan Aqbalaynin in uu Awood u Adeegsado Wax-garadka Magaalada Boosaaso Oo Habeenadii ugu Dambeeyay Qaarkamid ah ay Guryahooda Kala Baxeen Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysa, iyadoo haatan xabsiga dhexe ee Boosaaso ay ku xiran yihiin tiro odayaal dhaqameedyo ah iyo siyaasiyiin dhaliilay xukuumadda Puntland.

Xiisada guud ahaan ka taagan Boosaaso ayaana ah Mid  salka ku heysa heshiiskii shirkadda DP World oo ay si weyn uga soo horjeedaan waxgaradka ku nool gobolka Bari.