Gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee ka socday Galmudug ayaa hadda ku dhaw dhammaad, waxaana hawlgalka loo wareejinayaa deegaanada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Maleeshiyada oo dareentay culeeska soo fuulay todobaadyadii ugu dambeeyey ee ay ka mid yihiin in dhexdooda laga soo qafaasho xubno muhiim u ahaa, hawlgalada qorsheysan ee mudada kooban fariisimahooda lagu burburiyo iyo duqeymaha cirka ayaa maleeshiyada ka dhigay kuwa ku qasban inay ka baxaan inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka Mudug.
Waxaa soo baxaya in kooxdu ay todobaadkan oo dhan wadday qorshe ay gobolka Mudug uga xaaba aruursanayso, islamarkaana hubka culus iyo xaasaskooda ay ugu wareejinayso deegaanada ay ku xooganyihiin, iyagoo baneeyey fariisimo ay ku lahaayeen aagga Shabeelow, Caad iyo deegaanka Miliqo.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii dambe wax ka badashay istiraatiijiyadda ay ciidamadeedu ku hawlgalaan, waxaana la dhimay gaadiidka dagaal ee furimaha jooga, taas oo ciidanka saaraysa cadaadis ah inay hore u socdaan, tan kalena yaraynaysa in maleeshiyada xagjirka ah ay hub ka qabsadaan ciidanka dowladda.
Xoogga dalka ayaa qorshaynaya in hawlgalka gobolka Mudug uu soo dhammaado ka hor dhammaadka sanadka, iyadoo hawlgalada qaarkood ay saamayn ku yeesheen roobabka lixaadka leh ee dalka ka da’ay, hase ahaatee hawlgalada qorshaysan ee lagu naafaynayo argagixisadu marna ma istaagin.
Soomaaliya oo laga qaaday cunaqabateynta hubka ayaa hadda doonaysa inay iskaashi heerkiisu sarreeyo la yeelato dowladda Turkiga oo ah saaxiibka ugu wayn, waxaana xarun laga hago diyaaradda Bayraktar TB2 laga sameeyey gobollada dhexe, taas oo la doonayo inay dhabarka ka jabiso argagixisada ku sugan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.