Friday, February 14, 2025
HomeWararGudaha7-qodob oo kaa caawin kara inaad lacag keydsato adoo mushaar yar qaata

7-qodob oo kaa caawin kara inaad lacag keydsato adoo mushaar yar qaata

Dunidan aan maanta joogno bini’aadanka ku nool oo gaaraya 7-bilyan oo ruux, in ku dhaw 80% waxay ku jiraan hardan nololeed oo ay dhaqaale ku kasban karaan, iyadoo in ku dhaw 20% dadka dunida ku nool ay ku suganyihiin xaalad faqri ah oo aysan xitaa haysan wax ay ku noolaadaan, sidaas darteed dadka faqriga ah ficilada qaarkood ay sameeyaan ayaa ka dhiga ku u jihaysta dhinaca hodontinimada.

Faaladan waxaan kuugu soo gubinaynaa 7-qodob oo kaa caawin kara inaad yeelato qorshe dhaqaale oo aad ku kobciso hantidaada, haddii ay si joogto ah lacagi kuu soo gasho haba yaraatee.

1- Iska ilaali deynta

Deyn ha qaadan, hadii aad ku jirtayna, marka hore dadaalkaaga ugu badan ku bixi inaad xor ka noqoto, sababtoo ah deyntu waa ceel dheer oo wax walba oo lacag ah ay kaaga dhacayaan, Talaabadaan ayaa lagu tilmaamay inay tahay midda ugu muhiimsan ee lagu taliyo dadka mushaarka soo gala uusan buurnayn, iyaga oo u sababeeyay in ay tahay sida god wayn oo dhuuqaya wax kasta oo ku soo gala, marnaba aan buuxsamayn.

Maadaama godkaas wayn aadan ka dul bilaabi Karin dhisme aad dpooneyso inuu kor u dheeraado, ayay leeyihiin khuburado waxaa aanaagsan inaad gabi ahaanba aasto.

Inta badan sababaha keeni in dadku daymoobaan ayaa ha kuwa laga maarmi karo, waxaana kamid ah in qofku rabo inuu waxyaabo qaali ah iibsado, iyo iibsashada waxyaabo aan muhiim u ahan nolosha qofka.

2- Yeelo qorshe dhaqaale

Qodobkan waa kan kala caddeynaya inaad faqriga ku sii jiri doonto iyo inaad u socoto dhinaca fiican, sababtoo ah wax badan ayaad u baahantahay inaad gadato bil walba, waa inaad yeelataa qorshe cad oo baahiyaha muhiimka ah aad xalisaa, islamarkaana aad yaraysaa lacagaha badan ee kaaga baxa baahiyaha laga maarmi karo.

Ka sii fikir meelaha aad lacagta ku bixinayso, ka hor inta uusan mushaarku soo dhicin, hana qarash garayn lacag aan qorshaha ku jirin, taasi waxay kuu badbaadinaysaa hanti badan oo ku anfici doonta.

Marka aad si wanaagsan wax u qorsheyso, ayaa xitaa laga yaabaa inay kuu soo harto lacag aad si kale oo faa’iido leh u isticmaali karto.

3- Lacag keydso

Yeelo ku talagal dhaqaale oo ah inaad kaydin karto xaddi go’an oo lacag ah bil walba, adigoo ku fikiraya inaan qasnadda kaydka waxba laga soo bixin doonin ilaa ay gaarto heer la qorsheeyey.

Waxaa jira qaabab badan oo dadku lacagtooda u dhigtaan,. Dadka qaar waxay isticmaalaan qaabka ay u dhigaashtaan. Tusaale ahaan waxay isticmaalaan %40 mushaarkooda, %30 boqolkiiba waxay u isticmaalaan noloshooda gaarka ah, halka ay dhigaashadaan %30 boqolkiiba oo kale.

Tallaabadan waa midda ay ku kala haraan dadka dhaqaalahoodu hooseeyo ee doonaya inay ka baxaan hanti yarida, kuwa ku guuleysta inay kayd samaystaan hubaal waxay jiiraan caqabado badan, laakin kuwa ku fashilma inay wax kaydsadaan waxay ku waaraan xaaladda faqriga.

4- Kaydi lacag kuu badbaadisa kaydka rasmiga ah

Inta badan dadku waxay isku dayaan inay lacag kaydsadaan, balse kuma talagalaan qasnad kale oo kaydka baahiyaha deg degga ah, sida jirada ku timaada qof qoyska ka mid ah oo Isbitaal u baahda, xaalado aan lagu talagelin oo dhaca iyo arrimo kale oo lacag kaaga baahan.

Sid qasnadda kaydku kuugu badbaado oo aadan u furin waqti aan haboonayn waa muhiim inaad ku talagashaa kayd kale oo xaaladadaas aan kor ku soo xusnay lagu xaliyo, xitaa haddii aysan markaas taagnayn.

Tallaabadan waxay xoojinaysaa inaad gaarto yoolkaaga fog ee hanti samaynta ku dhisan wax kaydsiga.

5- Samee maalgashi

Marka aad ku guulaysato inaad wax kaydiso waxaa kuu banaan inaad maalgashi samayso, adigoo ka fikiraya ganacsi wax soo saar leh oo faa’iido laga heli karo.

Dadka dhaqaalohoodu yaryahay waxaa lagula taliyaa inay galaan ganacsiyada faa’iidadooda si maalinle ah loo heli karo ama bil walba, laakin kuma wanaagsana inay galaan ganacsiyada sanadkiiba mar la xisaabiyo ee mudada dheer la sugo faa’iidadooda.

6- Samee il labaad oo dhaqaale

Dhaqaalayahanadu waxay kula taliyaan dadka dakhligoodu hooseeyo inay samaystaan ilo dhaqaale oo kala duwan, si dakhliga bilaha ah kor ay ugu qaadaan, taas oo ku qasbaysa qofka inuu shaqeeyo saacado dheeraad ah.

Kaliya hal il oo dhaqaale ma ahan mid ku filan qofka doonaya inuu ka baxo silsiladda faqriga, si kasta oo ay ahaataba waa inuu bixiyaa dadaal dheeraad ah oo u sahli kara in dakhliga uu kordhiyo

7- Kordhi xirfadaada aqooneed

Aqoonta qofku u leeyahay xirfadaha kala duwan ee suuqa shaqada looga baahanyahay waa mid muhiima waqtigan, waxaana uu ku heli karaa fursado badan oo uu ku dalici karo mushaar ahaan.

Mar kasta ee qofku kobciyo aqoontiisa waxaa badanaya lacagta uu ku shaqaynayo, waxa uuna noqonayaa mid mar walba haysta fursad shaqo, xitaa haddii uu ka tago shirkaddii uu la shaqaynayey.

Sidaas darteed aqoontu waxay kuu noqon kartaa hanti aan lagaa dhici karin oo kuu sahli karta fursado badan oo aad adigu ku noqon karto shaqo abuure.

QORAALADA LA XIRIIRA

216 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe