Waaberigii hore ee saaka ayaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa ku dagaalamay Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaayo wada ay weerareen Ciidamada degaanka ee SSC, waxaana dagaalka saaka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac wallow aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloobay.
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Laas-Caanood ayaa Risaala u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, balse uusan dagaalka saameyn isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga Magaalada.
Dagaalka saaka ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Garoowe ay tageen Odayaal ka tegay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Magaalada Laas-Caanood u tegi doona waan waan la xiriirta dagaalka.

