Thursday, May 28, 2026
HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay degmada Aadan-yabaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay degmada Aadan-yabaal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud & Wafei uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Degmada Aadan yabaal Ee Gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Ammaanka degmada Aadan-yabaal iyo degaannada hoostaga ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo halkaasi laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona ciidamada qalabka sida Ee ku sugan furimaha dagaalka Gobolka Sh/dhaxe, isaga oo degmada Aadan-yabaal kaga dhawaaqi doona wajiga labaad howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waa booqashadii ugu horreeysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegi doono degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe tan iyo markii lagala wareegay Ururka Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe