. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay talo ku aadan sidii looga bixi lahaa nidaamlka 4.5 oo 25-kii sano ee la soo dhaafay qal-qal galiyay Ummadda Soomaaliyeed.
Baadiyow ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Soomaaliya laga hirgeliyaa nidaamka ku haboon ee doorasho qof iyo cod ah (1Q1C).
“Waa inuu noqdaa mid heshiis lagu yahay oo daahfuran. Haddii la isku dayo in la sameeyo dimoqaraadiyad muqaal been ah leh, natiijadeedu waa fashil iyo cawaaqib xumo. Casharkaas waa kii 1969 iyo 1991,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

