Home Dhageysi DAAWO:-Bulshada Hobyo oo Maanta Ka Aragti Dhiibtay Dhismaha Golaha Deegaanka

DAAWO:-Bulshada Hobyo oo Maanta Ka Aragti Dhiibtay Dhismaha Golaha Deegaanka

127

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada reer Hobyo ayaa waxaa looga arrinsanayey sidii gola deegaan looga dhisilahaa degmada Hobyo, iyadoo qof kasta uu halkaas kusoo bandhigayey fikirka uu ka qabo dhismaha golaha degaanka iyo wadiiqooyinka loo marikaro.

Xoghayaha degmada Hobyo mursal Mohamuud Aadan oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa dadweynaha kulanka kasoo qaybgalay kula dardaarmay in ay talooyin wax ku ool ah ku darsadaan dhismaha golaha degaanka.

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Faat ayaa dadweynaha u faah faahiyey qaabka lagu soo xulayo ama uu ku imaanayo  golaha degaanka Hobyo, isagoo sheegay in dadka degaanku ay iyagu soo xulandoonaan golaha degaanka.

Qaar kamida dadweyihii kasoo qaybgalay oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa waxaa hadalladoodii ka mid ahaa