Home Dhageysi Daawo:-Daraasad Laga Sameeyay Qilaafka Hareeyay Galmudug

Daawo:-Daraasad Laga Sameeyay Qilaafka Hareeyay Galmudug

249

Ra,yi aruurin lasameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka reer galmudug badankeedu ay doonayaan in doorasho madaxwayne laqabto.

Daraasad ay sameeysay hay,adda galmudug consultants group ayaa lagu soo bandhigay magaalada cadaado .

Daraasada waxaa diirada lagu saaray xaaladihii siyaasadeed ee galmudug laga soo bilaabo sanadkii 2017 kii ilaa iyo 2019.

Waxaa sidoo kale daraasada lagu sheegay in xog aruurinta laga sameeyay 500 oo qof oo ka kala yimid qaybaha bulshada ee ku nool ilaa iyo shan degmo oo katirsan Deeganada Galmudug.

Gudooomiyaha hay,addan cabdiraxman maxmud Ibrahim oo Shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa ku faah faahiyay macluumaadka ugu muhiim sanaa ee daraasada lagu ogaaday.

 

Dhinaca kale  Gudooomiyaha Kooxda latalinta Galmudug cabdiraxman maxmud Ibrahim  ayaa soo jeediyay qodobo dhowr ah oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo xal loogu heli karo caqabadaha taagan.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay la daalaa dhacayay caqabado kala duwan kuwaas oo ay san jirin wax xal ah oo laga gaaray, waxayna, umuuqataa kuwo maalinba maalinta ka danbaysa isa sootaraya.