Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow Qarax gaari laga soo booxiyey

0
141

Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qaraxa oo ay maleeshiyaadka khawaarijta ay doonayeen inay ku gumadaan Shacabka Degmada Doolow.

Guddoomiyaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Xasan Cabdi Lafeey oo ka warbixiyay gaarigaan gacanta lagu dhigay ayaa u mahadceliyay ciidanka Amniga shaqada adag ay Degmada u hayaan iyo fashilinta gaariga qaraxa, Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay Booliska iyo Nabadsugida in la joogteeyo shaqada isla markaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeri ah.

Darawalkii gaariga waday ayaa ciidamaddu gacanta ku hayaan, iyaga oo ku wada baaris ku aadan qorshaha dhagar-qabayaashu ay maleegayeen iyo halka loo waday gaarigaan lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here