Sunday, August 9, 2026
HomeWararGudahaIn ka badan 46 kun oo arday oo loo shaaciyay natiijada imtixaanka...

In ka badan 46 kun oo arday oo loo shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo natiijada ay si weyn u sugayeen ardayda, waalidiinta iyo bahda waxbarashada.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay 45,452 arday, kuwaas oo kala ahaa 24,717 wiilal ah iyo 21,508 gabdhood, waxaana imtixaannada lagu qaaday 125 xarumood oo ku yaalla Gobolka Banaadir.

Natiijada ayaa sidoo kale lagu dhawaaqay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad iyadoo 44,017 arday la shaaciyay inay gudbeen halka ay 1,435 ardayna la shaaciyay inay ku dhaceen imtixaanaadka ay galeen.

Kaalinta 1-aad waxaa gashay sida agaasinka ay shaaciyeen Sumayo Xasan Abshir Aadan, halka Kaalinta 2-aad ay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed waxaana Kaalinta 3-aad galay Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi

Guusha ardaydan ayaa soo jiidatay dareenka bulshada, iyadoo hambalyo loo dirayo ardayda kaalmaha hore galay, waalidiintooda iyo macallimiintii ka qeyb qaatay waxbarashadooda.

Natiijada imtixaanka ayaa muhiimad gaar ah u leh ardayda fasalka 8-aad, maadaama ay tahay marxalad muhiim ah oo ay uga gudbayaan heerka dhexe una gudbayaan heerarka waxbarasho ee xiga.

Ardayda iyo waalidiinta ayaa hadda si weyn ugu mashquulsan hubinta natiijooyinka, iyadoo bulshada Banaadir ay si gaar ah u hadal hayso saddexda arday ee ku guuleystay kaalmaha ugu sarreeya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe