Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya lagula eegtay meel waxyar u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay ka tirsanaayeen ciidanka Danab waxaana ay saarnaayeen gaari Cabdi Bile ah, oo ka ambabaxeen degmada Wanlaweyn, iyaga oo ka yimid saldhigga Millitari ee Balidoogle.
Guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex askari oo midi uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Danab oo lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Cabdi Saciid.
Sidoo kale maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxan in ay ku dhaawacmeen ilaa Lix askari, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.
Alshabaab ayaa inta badan qaraxyo la beegsada ciidamada dawladda ee ku safraya gobolka shabeelaha hoose.
https://holistickenko.com/pms-improve-mood/
https://holistickenko.com/pms-improve-mood/