Tuesday, May 20, 2025
HomeWararDawladda FS Oo Sheegtay In Dib loo bilaabayo Wadda-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawladda FS Oo Sheegtay In Dib loo bilaabayo Wadda-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Abuukaate Mahdi ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Wuxuu kaloo sheegay in ay dhageysanayaan tabashooyinka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq, si horey loogu sii socdo.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe