Friday, February 14, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Guddoomiye Mursal Oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

SAWIRRO:- Guddoomiye Mursal Oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Amb Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan Walalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle, waxayna ka Wada hadleen sidii iyagoo wada jira ay isaga gaashan lahaayeen arrimaha xiriirka Dunida iyo wax is dhaafsiga.

Guddoomiye Mursal oo Maalintii Labaad Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale la kulmay RaisalwasarahaDalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, Waxyna Ka wada hadleen xiriirka Labada Dowladadood Iyo Iskaashiga Labada Dhinac sidii loo sii xoojin lahaa.

Madaxda Jabuuti ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaalahooda Soomaaliya uga mahad celiyay doorkii lama illaawaanka ahayd ee ay ku lahaayeen madax bannaanideeda 27-kii June 1977-kii.

Mudane Mursal ayaa Maanta ka qayb geli doono xuska Maalinta xorriyadda Jabuuti oo ku beegan 27-ka June,waxaana lagu wadaa inay munaasabaddaasi ka qayb galaan waddamada jaarka la ah Jabuuti iyo kuwa ay saaxiibbadda yihiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe