Ciidanka xooga dalka ayaa burburiyay fariisimo Alshabaab ku lahayd Ceel biyoodyo ku yaalla magaalo Dalxiiseedka Budbud ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad Kornayl Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Alshabaab ay ugu galayaan Gododka iyo Geedaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.
Taliyaha ayaa sheegay Intii uu socday howlgalka Ciidamada ay bixiyeen Miinooyin Alshabaab ay geliyeen Jidadka ugu mashquulka badan ee ay isticmaalaan shacabka Gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe Kaas  oo  isku xira Wabxo, Budbud iyo Galcad.