Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud waxa ay ku qabteen nin ajnabi ah oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. Eedeysanaha oo la sheegay inuu u dhashay dalka Yemen, ayaa la qabtay xili uu doonayay inuu Doon kaga baxsado Xeebaha Mareeg. Xariggaan ayaa waxa uu ka dhigan yahay guulo la taaban karo oo laga gaaray dadaalada socda ee lagu burburinayo joogitaanka Al-Shabaab ee gobolada dhexe.
Ilo wareedyo dhanka ciidamada ah ayaa ku waramaya in qabsashada ay ku suuragashay xog ay heleen dadka deegaanka ee degmada Ceel-dheer. Su’aalo la weeydiiyay, tuhmanaha waxa uu qirtay in uu hormuud ka ahaa gobolka Galgaduud.
Qabashadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen warar sheegaya in wada shaqayn dhexmartay Al-Shabaab iyo falaagada Xuuthiyiinta. Sida laga soo xigtay sirdoonka Mareykanka, Xuuthiyiinta ayaa Al-Shabaab siiya hub casri ah iyo taageero dhanka saadka ah, taasoo keentay walaaca laga qabo in ay sii kordhaan colaadaha gobolka.
Qoraal dhawaan ka soo baxay VOA-da ayaa lagu muujiyay sida Al-Shabaab ay dib ugu celinayaan qaar ka mid ah guulihii ay gaareen ciidamada Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah taageerada Xuutiyiinta.
Isbaheysigan labada kooxood ayaa u sahashay Al-Shabaab in ay xoojiyaan awoodooda oo ay balaariyaan howlahooda shaqo, waxaana khubarada dhanka ammaanka ay ka cabsi qabaan in ay keento weeraro abaabulan oo kor u kaca iyo in ay kor u kacdo rabshadaha.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Galgaduud, taasoo keentay in lagala wareego maleeshiyaad badan. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu ciribtirayo Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

