Xaaladda amni iyo siyaasadeed ee magaalada Baydhabo ayaa mar kale sii xumaanaysa, iyadoo la sheegay in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu dowladda Federaalka ka codsaday in magaalada loo diro ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata sugidda amniga.
Sida xogaha laga helayo ilo siyaasadeed iyo kuwo amni ay sheegayaan, Aadan Madoobe ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee Baydhabo iyo sida loo sii difaaci karo magaalada, xilli magaalada ay horay uga dhaceen iska horimaadyo culus oo u dhexeeya dhinacyo iska soo horjeeda.
Ilaa hadda ma muuqato jawaab rasmi ah oo Villa Soomaaliya ka soo baxday oo ku saabsan codsiga ciidamo dheeraad ah, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamo loo qorsheeyay inay tagaan Buurhakaba, kadib bixitaankii ciidamada Itoobiya, aan weli halkaas la geyn.
Warbixinno ayaa muujiyay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay door ku lahaayeen howlgalladii lagu galay Baydhabo, halka ciidamada la xiriiray maamulkii hore ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ay iyaguna weli ku leeyihiin saameyn dhinaca amniga ah.
Sidaas darteed, Aadan Madoobe wuxuu wajahayaa xaalad aan ku koobnayn gudaha magaalada oo keliya, balse ku fidsan deegaannada ku dhow Baydhabo.
Dagaalladii dhawaan ka dhacay Baydhabo ayaa sababay khasaare xooggan, iyadoo ilo kala duwan ay sheegeen in tiro badan oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallada Baydhabo iyo Muqdisho.
Xaaladdan ayaa sidoo kale kordhinaysa baahida loo qabo in dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo khatarta dagaal kale oo Baydhabo ka dhaca.
Arrinta kale ee walaaca dhalisay ayaa ah ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed.
Xogaha laga helayo xaaladda gobolka ayaa tilmaamaya in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen Buurhakaba, taasoo abuurtay su’aalo ku saabsan cidda buuxinaysa booska amni ee ay baneeyeen,Wararka qaar ayaa xaqiijinaya in ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed ee laga saaray Baydhabo lagu celiyay Buurhakaba, taasoo muujinaysa in degmadaasi ay muhiim u tahay qaab-dhismeedka amni ee gobolka.
Haddii Villa Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah u dirto Baydhabo, waxaa laga yaabaa inay xoojiso awoodda Aadan Madoobe, laakiin tallaabadaas waxay sidoo kale dhalin kartaa falcelin siyaasadeed oo kaga timaada dhinacyada kasoo horjeeda.,Balse Haddii aysan ciidamo dirin, waxaa dhici karta in Aadan Madoobe uu wajaho culays dheeraad ah oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan haddii dagaallo cusub ka qarxaan magaalada.
Dowladda Federaalka waxay taageertay hoggaanka Aadan Madoobe, halka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo taageerayaashiisu ay si adag uga soo horjeedaan habka isbeddelka siyaasadeed ee maamulka.

