Friday, February 14, 2025
HomeWararDibaddaCiidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo ka...

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano hor leh.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waddooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa howlgalo ka sameeyay dhinacyada waddooyinka la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab,iyagoona ka saaray goobta.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka, ciidamada ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo aan magacyadooda la shaacin, waxaana sidoo kale la burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi lacagaha uga qaadi jireen gaadiidka kala duwan ee waddooyinka isticmaala.

Qaar ka mid ah saraakiishii horkaceysay howlgalkaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo badqabka wadooyinka isku xira gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, halkaasi oo ay sheegeen in mararka qaar ay kooxdaasi lacago ka qaadi jireen dadka safarka ah.

Maalmihii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe