Monday, November 4, 2024
HomeWararCiidamada DFS oo howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Ruun-Nirgood ee...

Ciidamada DFS oo howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa howlgallo xooggan ka billaabay deegaanno hoostaga Degmada Ruun-Nirgood Gobolka Shabeelaha Dhexe ee DG Hir-Shabeelle, Ciidanka ayaa tegay tuulooyin hoostaga Degmadaas.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka, Ciidamada ayaa ka jawaabaya weerar dhowaan ‘AS’ ku qaadday saldhig Ciidamu ku leeyihiin Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo Kaashanaya kuwa Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa saacadihii u dambeeyay sameeyay howlgallo ka dhacay dhowr deegaan oo Degmada Ruun-Nirgood hoostaga si ay uga hortagaan duullaan markale ‘AS’ ku qaado.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ee howlgallada kawada Gobolkaas ayaa xoojinayaan si looga hortago weerarada ‘AS’ ee muddooyinkii dambe ku qaadayeen saldhiyada Ciidanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe