Home Warar Qarax ka dhacay Markab Shidaal sida dekadda Magaalada Jeddah

Qarax ka dhacay Markab Shidaal sida dekadda Magaalada Jeddah

125

Qaraxaan ayaa saaka waxaa uu ka dhex dhacay Markab Shidaal sida oo ku xiran dekadda Magaalada Jeddah ee Wadanka Sacuudi Carabiya, waxaana la sheegay qaraxaasi uu ahaa weerar.

Qoraal ay soo saartay shirkadda markabka ayay ku sheegtay in qaraxa uusan aheyn shil balse ay aaminsan yihiin in uu ahaa weerar lagu qaaday Markabka, isla markaana ay dhamaan qaraxa ka badbaadeen Shaqaalaha Markabka oo gaarayay 22 Ruux.

Markabkan oo lagu magacaabo BW Rhine ayaa ka diiwaangashan dalka Singapore, waxana Madaxda Shirkadda leh ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in uu Shidaalka Badda ku daato taas oo keeni karta qasaaraha kale.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, hayeeshee waxaa horay weerarada noocaan oo kale lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin kooxda xuutiyiinta Yemen  oo weeraro ku qaada dekaddaha iyo xarumaha shidaalka ee ku yaal wadanka Sacuudiga mararka qaarkood.