Taliska sare ee ciidanka Iiraan ayaa ku dhowaaqay inay markale si rasmi ah u xireen Marinka muhiimka ah ee Hormuz, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay ku xad-gudbeen heshiis xabbad-joojin ah oo dhawaan la gaaray.
Go’aankan ayaa yimid xilli Israa’iil ay wali sii waddo duqeymaha ay ka fulineyso koonfurta dalka Lubnaan, inkastoo heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmaray Israa’iil iyo ururka Xisbul-laah uu qorshuhu ahaa inuu dhaqangalo shalay galab.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in lagu xad gudbay qoddobka koowaad ee heshiiska oo ah in la aan la weerari Karin dalka Lubnaan.
Israa’iil oo weeraro ku heyso qeybo kamid ah dalka Lubnaan ayaa u muuqata in ay gacanteeda ku burburineyso heshiiska ay wada gaareen Mareykanka iyo Iiraan ee lagu soo gaba gabeynayo colaada Bariga Dhexe.
Marinka Hormuz ayaa ah halbowlaha dhaqaalaha adduunka, waxaana mara qiyaastii shan meelood meel (1/5) ee saadka saliidda iyogaaska ee caalamka laga isticmaalo.
Maraakiibta ganacsiga ayaa hadda bilaabay inay marinkaas maraan ka dib markii uu toddobaadkan bilowgiisii dhaqangalay heshiis ku-meel-gaar ah oo ay wada gaareen Mareykanka iyo Iiraan, balse go’aanka cusub ee Tehran ayaa qalqal galin doona suuqyada caalamiga.

