Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah Kooxaha burcadka ah ee dhibaatadda u geysta ganacsatadda Soomaaliyeed ee dukuumada ku leh dalkaasi.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Koonfur Afrika waxaa uu sheegay in saacaddihii ugu dambeeyay la xiray ku dhawaad 10 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalka iyo dhaca Ganacsatada Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan warar been abuur ah oo laga faafiyay booliska oo ku aadan in aysan waxba ka qaban dhibaatadda Soomaalida loo geysto dalkaasi, waxaana uu sheegay in ay jiraan Kisas badan oo ay gacanta ku hayaan Booliska dhawaana Maxkamad loo gudbin doono.
Hadalka ciidanka Booliska ee dalka Koonfur Afrika ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay la gubay Dukaamo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed, islamarkaana halkaasi lagu dilay ku dhawaad 10 ruux oo Soomaali ah.