Thursday, February 12, 2026
HomeDhageysiDHAGAYSO: Ganacsato Somaliyeed oo Mar kale Xalay Lagu Dilay koofur Africa

DHAGAYSO: Ganacsato Somaliyeed oo Mar kale Xalay Lagu Dilay koofur Africa

Xalay ayaa markale Burcad Koonfur Afrikaan ah waxaa Ganacsato Soomaali ah ay dil iyo dhaawac ugu geysteen deegano ka tirsan dalkaas,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Wararka aan ka heleyno dalkaas ayaa waxa ay sheegayaan in Burcad Koonfur Afrikaan ah ay weerareen Goob Ganacsi oo Soomaali leedahay oo ku taalla Deegaanka Foslors oo ka tirsan Magalada Johannesburg,waxana ay dileen Muwaadin Soomaaliyeed halka laba kale ay dhaawaceen.

Midkamida Ganacsatada Soomaaliyed ee ku sugan koofur africa ayaa warbahinta codka gobolada dhexe u sheegay in burcada weerarka soo qaatay iyo ganacsatada somaliyeed uu weerar dhex maray.

72 Saacadood Gudahood ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay 5 Dhalinyaro Soomaali ah halka tiro intaasi ka badan lagu dhaawacay,waxaana habeen ka hor ay aheyd markii degmada Mamelodi oo hoos timaada Magaalada Pretoria Ee Dalkaasi Koonfur afrika lagu dilay laba ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku Ganacsada dalkaas.

Halkaan Ka Dhagayso Mid kamida ganacsatada somaliyed ee koofur africa oo u waramay wariye Mubarak Maxamud adan

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe