Tuesday, May 12, 2026
HomeWararBooliska Puntland oo gacanta ku dhigay Gaari hub siday

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Gaari hub siday

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Gobolka Bari ee Puntland ayaa, iyaga oo kaashanaya laamaha Sirdoonka Maamulkaas waxaa ay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Vobolka Bari ku qabteen gaari lagu soo qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah.

Saraakiil katirsan laamaja Amniga ayaa sheegay in Gaariga oo noociisu yahay ISKA-ROGe, laga helay Garaash lagu dhex qariyay oo ku yaalla gudaha Boosaaso, kadib markii la helay xog ku saabsan Gaarigaas uu hubka saaran yahay.

” Gaariga Ciid ayaa kor looga soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran si aan looga dsreemin hubka uu sido, balse Ciidanku xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qabtaan ayuu yiri” Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada.

Sidoo kale, wuxu sheegay in ay xog ka hayaan cidda mas’uulka ka ah Gaariga iyo meesha loo waday hubka, islamarkaana baaritaan dheeriya ku samaynayaan.

Howlgalkaan Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay kusoo qabteen hubka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Magaalada Boosaaso ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF , dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe