Wednesday, April 29, 2026
HomeWararDowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Saddex Dowladood

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Saddex Dowladood

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiisyada Deyn Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris Club.

Wasiirka ayaa waxaa ay kala yihiin dowladaha uu heshiiska deynta cafinta ah uu la saxiiday dalalka Dalalka England, Denmark iyo Netherlands, kuwaas oo kamid ah dowladaha tageerada siiya Soomaaliya.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020 ee Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan, iyadoo heshiiska shirkaas qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan Dowladood ayaa waxa ay gaareysaaa $69.9 million.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ku cel celineysay inay wado qorshooyin Soomaaliya looga cafinayo deynta lagu leeyahay, iyada oo ay jiraan dowlado deynta ka cafiyay Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe