Wednesday, July 22, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku ridday dagaalame ka tirsan AS

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku ridday dagaalame ka tirsan AS

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle, Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa As.

Xamsa ayaa horay u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellada hoose Xasan Cusmaan Cali, markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca gaadiidka lagu xiro ah.

Xamsa oo ah 23 jir kana soo jeeda Janaale ayaa horay ugu shaqaysan jiray Mooto Fekon inta uuusan ku biirin dagaalamaayasha As, isagoo ku noolaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, maaddaama ay qaraabo ahaayeen, sida ay maxkamaddu sheegtay.

28-kii Augosto ee sanadkan ayay soo gabagabowday dacwadda loo haystay Xamsa , waxanay maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida maanta ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Ex-taliyihii NISA ee deegaanka Buufoow Bacaad Xasan Cusmaan Cali.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe