Home Warar Askari ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe

Askari ku dhintay israsaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe

18

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan Ciiddanka Ammaanka Puntland ayaa ku geeriyooday tiro kalena waa ay ku dhaacmeen kadib israsaaseyn Magaalada Garoowe ku dhexmartay Ciidamada Ammaanka iyo rag ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.

Israsaaseynta ayaa dhacday kasib markii Ciidamada Ammaanka oo kujira howlgal roondo ah ay la kulmeen rag hubeysan oo gaari ku waday waxyaabaha maanka dooriya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacsnya kudhigeen qaar kamid ah raggii hubeysnaa halka kuwo kale weli ay ku raad joogaan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka Magaalada Garoowe.

Hay’adaha Amniga Puntland weli kama hadlin israsaaseynta ka dhacday Magaalada Garoowe, waxaana falkaan uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe ay ka duacayeen kulamo looga hadlsysy sidii looga hortegi lahaa Maandooriyaha.