Thursday, January 16, 2025
HomeWararCiidamada Xoogga Dalka Oo la Wareegay degaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka Oo la Wareegay degaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaaya in Ciidamo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay maanta Weerar ku qaadeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo horay ay Shabaab u joogeen.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Jubbaland, ayaa Waxa ay  la wareegeen degaan ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa sheegay in ay dagaal kula wareegeen  degaanka Muuse Xaaji oo ku yaalla duleedka degaanka Sanguuni.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay markii ay gaareen degaanka Muuse Xaaji in halkaasi ay kula kulmeen xubno Shabaab ka tirsan oo dagaal halkaasi uu ku dhexmaray.

Illaa saddex askari oo Shabaab ka tirsanaa ayeey sheegeen Saraakiisha inay halkaasi ku dileen, halka dhanka ciidamada Jubbaland la sheegay inay ka dhaawacmeen askar gaareysa illaa afar askari, sidda ay hadalka u dhigeen.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Jubbooyinka ku amray inay qaadaan hawlgalo ka dhan ah Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe