Thursday, December 12, 2024
HomeWararAskari Ka tirsan Ciidanka Dawladda oo Lagu Toogtay Muqdisho.

Askari Ka tirsan Ciidanka Dawladda oo Lagu Toogtay Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Magaaladda Muqdisho, ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed goordhaw lagu toogtay degmadda Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Xaqiijiyey in Koox hubeysan ay Askarigaan ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya dileen xili uu ku sugnaa Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaasha oo diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegeen in Askariga la dilay uu ka mid ahaa Ciidamada ka howlgallo halkaasi,islamarkaana ay ka qaateen qorigii uu watay, xilli shaqadiisa uu ku guda jiray askariga la dilay.

Sida caadada ah Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaan ay horey u sii qaateen hubkii ay ka furteen Askarigaasi.

Ciidamo ka tirsan Saldhiga Booliska Warta Nabadda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen maydka askariga la dilay.

Lama oga cidda ka danbeysay dilka askarigaan ka tirsanaa booliisk, mana jirto wax wara oo ka soobaxay laamaha amaanka Dawladda oo ku aadan dilka askarigaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe