Warar Aan Helayno Ayaa Sheegaya In Hugaamiyihii Urur Alshabaab uu Ugeeriyooday Xanuun Xanuunka Kansarka oo kalyaha Ka Haleelay.
Ahmed Diriye (Abu Cubeyda) Â Ayaa Isniinti aanu kasoo gudubnay ku geeriyooday koofurta Soomaaliya Sidaas Waxaa VOA u Sheegay Sarkaal Sare oo Katirsan Ciidanka Sirdoonka Somaliya Islamarkaasna Magaciisa Kagaabsaday Waxaa uu sheegay In Xanuun dhinaca Kalyahaa uu Ugeeriyooday.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in Abu Cubeyda uu ku geeriyooday meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya galabnimadi Isniintii aanu soo dhaafnay taariikhdana ku beegneyd 25-ka bishan June.
Balse Dhinaca Kale War Ay Daabacday Warbaahinta Ku Hadasha Afka Ciidamada Qalabka sida Ayaa Lagu sheegay Geerida (Abuu Cubeyda)
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa sheegay in Axmed diiriye Abuu’cubeyda uu ku geeriyooday magaalada jilib.
Taliyaha howlgalinta ciidanka xoogga qeybta 43Aad G/sare Ismaciil sheikh isxaaq oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday horjooge Axmed diiriye Abuu cubeyda oo ahaa Hugaamiyihii  Al-shabaab.
G/sare Ismaciil Sheikh Isxaaq waxaa uu sheegay in Hogaamiyaha Al-shabaab uu soo wajahay xanuunka kansarka isla markaasine uu mudo sanad ah uu la xanuunsanaa cudurka kansarka.Dhinaca Kale Warar ay Baraha Internet-ka ku faafiyeen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in Hoggaamiyahooda Axmed Diiriye uu Cafimaad qabo,isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin Wararka Sheegaya In uu Geeriyoday.
Waxaa kaloo ay sheegeen in Warkaas uu yahay mid lagu daboolayo heshiiskii 16-kii Bishaan Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ahaa in Itoobiya maalgashato 4 ka mid ah dekadaha dalka Soomaaliya.
Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay Dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Godane.
Mareykanka ayaa madaxa Axmed Diiriye dul dhigay lacag dhan 6 milyan oo dollar.