Tuesday, November 5, 2024
HomeWararAmarka ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo saaka ka hirgalay Muqdisho

Amarka ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo saaka ka hirgalay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka bilowday fulinta amarka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa nidaaminta Boota Bajajaata, waxaana waddooyinka Caasimadda lagu arkayay Bajaaj ay ku buufsan tahay “A”.

Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhammaan wadayaasha Mooto Bajaajta ku amray in ay midabeeyaan mootooyinkooda iyaga oo ku buufinaya xarfaha A iyo B taas uu maamulka ugu tala galay in ay maalin dhaaf u shaqeeyaan.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa lagu amray in April 24, 2023-ka la bilaabi doona midabeynta Moota Bajaajta, iyada oo ku shaqeynta ay bilaabaneyso May 25, 2023-ka oo ku beegan maanta.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in la ganaaxi doona ciddii fulin waysa amarrada ka soo baxa dowladda Hoose ee Xamar, iyada uu afhayeenka Gobolka uu sheegay Mootadii la arka iyada oo shaqeeneysa maalin aan ahayn teeda iyo Mootadii la arka iyada oo aan buufsaneyn in lagu ganaaxi doona $100.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shirguddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ee qabsoomay March 30, 2023-ka ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta.

Qodobada ka soo baxay shirkaan ayaa waxaa ka mid ahaa; Laga bilaabo 1-da ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), waxaana shaqadaasi fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir.

Go’aankaan waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadayaasha Moota Bajaajta, kuwaas oo sheegay in xal u noqon doona jaamka ka jira Magaalada Muqdisho, geesta kale qaar ka mid ah isla wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa dhankooda sheegay in caqabad ku tahay ku shaqeynta nidaamkaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe