Sunday, June 28, 2026
HomeWararAl-shabaab Oo Xukun Dil Ah ka Fuliyey Gobolka Hiiraan

Al-shabaab Oo Xukun Dil Ah ka Fuliyey Gobolka Hiiraan

Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in Fagaare ku yaalla degaanka Show ee Gobilka Hiiraan ay  ka fulisay Xukun dil ah kaddib markii Nin lagu soo eedeeyay in uu faraxumeeyay wiil yar dacwad laga soo gudbiyay.

Ninka la toogtay oo lagu magacaabayay C/Qaadir Doolaal Caley ayaa da’diisa lagu sheegay 15 jir,waxaana uu fara xumeynta kula kacay wiil da’diisa lagu sheegay 6 jir.

Aabbaha dhalay wiilka yar ayey sheegeen Al-shabab in uu dacwad ka gudbiyay wiilka la dilay,waxaana Al-shabab ay intaas ku dareen in C/Qaadir uu qirtay dambiga lagu soo oogay.

Al-shahab ayaa intaas ku dartay in dilka ka hor C/Qaadir laweydiiyay caafimaadkiisa islamarkaana qirtay sida ay sheegeen in uu caafimaad ahaan wanaagsanyahay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe